Maansada MeeL Saraad u Qalantaa

 •Nafle Qaaliya Tahay.

• Qof jiro hanLa tahay
•Qurux baad u dhalatee.
•Qiimahagu yu Lumin.
•Quustu yaanay kuLa hadhin.
•Qabri yaanay kugu ridin.
•Qoomamadu wadaadow.
•Qayrkaa halkuu tagay.
•Ama qooruhu dagey.
•Qaddar eebbe mooye.
•Adba waad u qalantaa.
•inaad kala qaxweyside.
•Qiimahaga koru hay.!!

•Qabso Ho tusaalahan.
•Quruumi Hore tagey.
•Ama qaarka maantadan.
•Qofna koonka Lama iman.
•isagoo ku QaLabsida.
•Ama buuxa qarashaad.
•Dirham iyo qadaadiic.
•Nafar waliba Qaraxiyo.
•Quud La'aan ayu yoom.
•Qormadani kuso galay.!!

•Qaanuunka Loo dhigay
•Hadduu qaabada yahay.
•Qaxarkiyo dhibaatadu.
•Qareenkeeda uu yahy.
•Ninba quudku cunayaa.
•Marka ay qabtii tahay.
•Qaaciidadu dadaal yahy.
•Zaaxip adigu qeexoo.
•Jawaab quruxsan iga sii.
•Waxan adiga Quustiyo.
•Qaxar kiyo dhibaatada.
•Qareen kaaga dhigay bas?.

•Hadaan QayLaduun wado.
•Ama waano so quboh.
•Qoomamaduh dhamad maLe.
•Hawraarna quruxdeed.
•Ama Qiimi HadaL waa.
•Wax inuu quseeyaa.
•Dhanka kalena Qaydiyo.
•Qaaddoh u mugeed yahy.

•Jeerkan waan qufulayaa.
•Zaxiib Qaadoh waanadan.
•Nuxurkaan Qubaayiyo.
•Qormadiyo dhambaal kani.
•ku qottoma xaqiiqada.
•Qaadirba nasiib iyo.
•Kuu Hibiiyay qiimee.
•Qaabeeyo meeL dhigo.!!

•Waxan qaali kugu idhih.
•Qof nasiible baa Tahay.
•Bashar qiimo wayn iyo.
•Insaan Qaaliyaad tahay.
•Qofsan baad u dhalatee.
•Qudha Liidmo Haw dilin.
•Meel saraad u qalantaa.
•Hanku Quusta yuu baran.
•Qafuur dhaafis badan iyo.
•Alle qaadir weeye.
•Hayska qadin badhaadhaha.
•Qalinkaaga raagee.
•Qaddar kiisu maqanyahy.
•Guushada Quruxda Le.
•Yaan qadhaadhka maal-muhu.
•Nimcadaad u qalantiyo.
•Libintaada Ka qarin.!!✅

Maansada:-MEEL SARAAD U QALANTA
Qalinkii-MOKHTAR ABDURAHMAN
Taarikh:--17-NOV-2023🧭✅✍️

Comments

  1. Soo Dhawaada Dhamantiin Zxpyl, Halkani Wa Page kayga Rasmiga ah Ee Blogspot.com✅

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gabayga Qurux maLe Aduun

Maansadii:- GuuLLow na taager✓