Posts

Showing posts from September, 2024

Masuul

  Maxastiyo  agoomaha xaqood, Lama dharaar-maaLo. Naafada miskaala' iyo sabooL, Looma madhax diido. Waaxyuhu nimay maqan yihiin, Looma muruq sheegto. Maankiisu ruux uu galbadey, Laguma maadeysto. Maal adduun haddii Lagu gallado, khayrka Lama moosoH.!! Maalmo weeye duniduye ogow, Laysma mahadsiiyo. Haddii aad masuuL tahay bulshada, Looma male guuroH. Maalkoodu wuu adagyahee, Xeelad Lama miistoH. Muus iyo xisaab Liin ka tami, Taadi Lama moodoh. Muddo hore waxaad waaye tidhi, Lagama so maagoH.!! Milgo sare hadday kugu boqraan, Looma dacar miisoh. Maankoodu shaygu calmadoh, Lagama meeraystoh. Inta dhaar cad Loo maro dabeed, Laguma meeL gaadhoh. Masaakiinta shilinkood ogow, Lagama moofeeyo. Mawdkii sidaan Lays arkayn, Looma wada muudsho.!! Miisaanki aakhiro  dhamaan, La'isma moodsiiyoh. Macsharkiyo qiyaamaha dhibtiis, maanka Lama seejjo. Macaansiga salaadaha ogow, shay yar Lama moodoh. Macbuud raali galintiisa hoy, Looma marin waayo. Micno Li'i adduunyadan q...