Maansadii:- GuuLLow na taager✓

•Godadkeeda Suugaan.!
•Lafa Gurrida Maansada.!
•GiddiH Xeerar-keedabaH.!
•Ama Seeska Gobanimo.!
•Rabbaa igu Galladayoow.!
•Anigoo GugaygiyoH.!
•GiddiH MaaL-mahayguba.!
•Ged Yar Ay Yiihiinoo.!
•Dhamiday Gu' gaygaba.!
•Haddii Faalo LaLa Galo.!
•Gabi Saaca Aan Jiro.!
•Tiro Lagu Gorfayn karoH.!
•Ayaan Godadka Maansada.!
•Ku Ahaa Gorfeeyoo.!
•Dhudaheeda  Guri-Jiray.!!!

•Gedda KaLena Waxay Tahay.!
•Gafka iyo Dhibaatada.!
•Gar- Darrada Badheed ka ah.!
•Een Yoom God Loo Dayin.!
•Ama Garazho Lagu Darin.!
•Cidbaa Lagu Gar-taayo.!
•Baadisooc u Gaariyo.!
•Gadhadh iyo Hareediy0.!
•Goobo Ay U Tahayoo.!
•Deelqaafka Gucurkiyo.!
•Dumar GoLe La Joogaha.!
•Maan Gaabka LiiTee.!
•Eray-Eray u Geeyaa.!
•Gabaad  Mooda SharafLoow.!
•Gasiin ay u Tahayoo.!
•Xuma GoLaha Keene.!
•GoLe Lama imaadooH.!
•Sumcadeyda kuma GuboH.!!!!

•ILduuf Ima God Seejoo.!
•GocaZhada Umuuruha.!
•Iyo CiiL Gunuunucu.!
•Garabkay ka DheerooH.!
•GoLahay ka Reebane.!
•Ee Adoon Gu' gaagiyo.!
•GaraadkaagaH Zaaxip.!
•GooLaaftan Moodayn.!
•0oN Faan Nabdiga GaLin.!
•Ragga Geed Labkiisaan.!
•Jabad wada Gallaayo.!
•Guudka Ugu Sarreeyaan.!
•Guri wacan ku Leeyo.!
•Nin GaraadLe Baan Oo.!
•Gafku Weyga Xaaran.!
•Guud Ahaan Makhluuqiyo.!
•Soomaali Gabigeed.!
•GaLbeed iyo Waqooyiyo.!
•Gaashaamo iyo Hawd.!
•Ama Geeshka Bari Daga.!
•Gunta Sare iLaa Baar.!
•Iyo Gees iLaa Gees.!
•Abidkay MakaLa GuroH.!
•Dadku Waa Gob-Tiiyo.!
•GacaL iyo XigaaLooH.!
•Guri iyo iLaa Gurih.!
•Waa Gayaan isjeceLiyo.!
•Gobsan iyo Bar-baariyo.!
•Gaban iyo WaLaaLo.!
•Soomaali Gabigeed.!
•Waa Garkayga Bidixee.!
•Guud Ahaan Jidhkaygaba.!
•Gaadhsiiya Dhiigoo.!
•Dadku Way Gudboonyoo.!
•QabiiL  Gooni Uma ihi.!!!!

•Guud Ahaan MaqLuuqana.!
•GuuLLa Heenna Weynbaa.!
•Mudnaan Gaara SiiyooH.!
•Cizih Baa U GaarooH.!
•Xurmaa Lagu Gardaadshe.!
•Guud ahaan NafLahoo idiL.!
•Abidkay Gugaan Jiro.!
•Ninna Gaasir Maan Odhan.!
•Geeshna Cadaw Lamaan noqon.!
•Sababtana Hadaan GaLo.!
•Garashada Xiskaygaan.!
•Gunnimada u DhaLanoo.!
•Marna Saacad iyo GaLin.!
•Garaad kaygu Ima Siin.!!!!

•Kuu Gaba-gabeeyeH.!
•Waxa ani i Gubayaan.!
•GuurTidaba u Sheegiye.!
•Guud ahaan Dadkaygiyo.!
•GayaankiyoH Bar-baartuba.!
•Inay Samo GodLaanooH.!
•Gu' San iyo Barwaaqiyo.!
•Guri kheyr Dagaan 0o.!
•GuuLo iyo Lib Hooyan.!
•Waa Waxaan u Gooheen.!
•Dhuunigiyo Gasiinkiyo.!
•GacaL iyo Xigaaliyo.!
•Gaaridii Haween iyo.!
•Salli Lagu Gamaayoba.!
•Giddi Raaxo Nololeed.!
•Garaadkay ka Saareeh.!
•Guulliyo Raxmaanbaan.!
•Cabashada U Gaynooh.!
•Dhabtii ruux GucLeeyo.!
•Geedigiisa Rarayoo.!
•GaLin Horiyo waabari.!
•Ama Layl Dadkuba Gamay.!
•Alle Bari ku Goohaa.!
•WaLLee kuma Gabnooboo.!
•GaLin kuma khasaarooh.!
•GuuL iyo badhaadhiyo.!
•Samaa Lagu Gardaadshaa.!
•Alloow noo Gar-gaaroH.!
•Gurmad noogu DeeqoH.!
•Galladiyo Libtaadiyoh.!
•Go'san noo Hagoogoo.!
•Giddigiyo Dhamaantay.!
•SoomaaLi Gabigeed.!
•Guulloow Jaliiloow.!
•Toobiyaha na GaransiiH.!!!!✍️


Maansada:-GuuLLow Na Taager.
W/Q:-Mokhtar Abdurahman.
Tariikh:- 18-Nov-2023.

Comments

Popular posts from this blog

Gabayga Qurux maLe Aduun

Maansada MeeL Saraad u Qalantaa