Gabayga Qurux maLe Aduun

 Qurux maLe xamsoow xaaL aduun,iyo qiimo sii ridane.

Qaxar iyo dhib weeyan waxaa,Lagu qarwaayaaye.
Waa qiimo beeL waxa dadkii,Wada qodaayaane.
Qaflad weeye xaLkoodu oo way,Qarraqanyiine.
Qaadir baa u maqan oo dhamaan,wey qaldhabayaane.
QiiLa iyo waqaala iyo war bay,qurux u Haystaane.
QoL madoow ayay ugu jiraan,Qiiro been badane.
Aduun inaanu qiimoba Lahayn,waxaba Qeexaaya.
Bal qiyaas quruumaha tagay,ee Laga qisoonaayo.
Quraanka kariimka ah ka baadh, wararka u Qaydey.

Qisas dhawr baL waxa uu Jaliil,kaga qisoonayo.
Qacda kaLe jaLeec baallihiyo,Qaaf iLaa faadir.
Bal qummaati uga bogo dhankaa Yuunus,iyo Qaafir.
Huud waxa quruun Lagu xusay,faaLo uga qaado.
Su'aaL baan qaaba uga jawaab,sida qareenkeed ah
Qoortaad istaagtaba Aduun,qiimo  Lagu sheegay.
Dhaayahagu may kuu qabteen,wa su'aaL qarane?
Maya baan qabaa adiga oon,xarafba ii qaydin.
Qoorta kaLe haddan  Jaalkayoow,qodob kusii xoojjo.
Dadka Qori Labkiisi dhamaan,Gale qubuuraaye.
Hadday Qiimo Leedahay rasuuL,Lagama qaadene.
Nabi MoHamed (Scw)baa Qaadan Laa,Qiimo Fara weyne.
Qoomkii Asxaabtan  ayanaH Laga,duL qaadeene.
Siduu qaadir yidhi meeLuhu,kaga qisoonayo.
Qiimaheedu Hoos buu ka maray,Qurub kaneecaade'e.
Innaaga quluub Lee ma ahan meeL,Qun Loo dago'e.
Socotiyo qariib bayn ku nahay,qiimo galin jooge.
Qabri iyo qiyaama hadhay,iyo hawlo qaro weyne.
Inta baab qabyo ah dee warkood,kaama Qaydnaba'e.
Qaxar  iyo dhib wuu hadhay raxmaan,hayna qaabilo'e.
Maantaba Haddaan qodoh warkeed,qaafiLaad maLahe.
Qodkan iyo qodkaa kaLe Waxaan,hadaL kusoo qaydi.
Faralka iyo sunnaha QaabiLa oo,Diin ku qalabaysta.
Dhab u qaata amarrada jaliil,oo maanka qabadsiiya.
Toobiyaha Qaniinoo dadyahaw,waanadana qaataH.

Maansadii:-Qurux maleh aduun
Taariikh:-14-Nov-2023
Qalinkii:-Mokhtar Abderahman.

Comments

Popular posts from this blog

Maansada MeeL Saraad u Qalantaa

Maansadii:- GuuLLow na taager✓